Sidee daqli looga kasbadaa aalada YouTube-ka?

Daqli

Waxaa hubaal ah inaad mar walbo maqasho, ama aad horay umaqashay in dad caadi iska ah ay lacago aad ubadan ka sameeyeen/sameeyaan aalada YouTube-ka, oo aad adiguna is dhahday, “Aniguna hanti waan ka sameen karaa, sidoo kale!”. Inkastoo kumaan doolar laga dhex shaqeysan karo aaladani ay dadka qaar wax aanan macquul aheyn ula muuqan karto, waxaa hubaal ah inaad ka shaqeyn karto lacagahaas iyo mid ka sii badanba, gaar ahaan hadaad ku leedahay macaamiil (subscribers) aad ubadan. Raac qodobadaan aan hoos kugu soo bandhigeeno si aad lacag uga sameeyso aalada YouTube-ka.

1) Sameeso kanaal (Channel) YouTube ah

Kanaal-kaga YouTube-ka waa hooygaaga shaqsiyadeed, waa barta lagaala socon karo. Cinwaan walbo oo YouTube-ah waxa kaliya lagu sameesan karaa hal Kanaal. Sherkada YouTube ma ogolo in kabadan hal kanaal in lagu sameeysto hal-kii cinwaan. Cinwaan YouTube waa sida cinwaannada Google-ka ah, inaad  sameesato cinwaan Youtube wuxuu kuu sahlayaa inaad si fudud ku hesho adeegyadda sherkada Google, Gmail iyo Drive.

  • Cinwaan cusub sameeso ama isticmaal hadaad mid hore ulaheyd uu jiro. Ku kordhi ereyada muhiimka (Keywords) ah si ay dadka ugu fududaati ineey cinwaankaga helaan. Keywords-kaas waxaa kaga dari kartaa adigoo raacaya habkaan. kudhufo Profile picture –> Scrator studio –> Channel –> Advanced. Ama eeg sawirka hoose.

 

  • Magacaaga kanaalka waa sheey aad muhiim uleh. Maxaa yeelay magaca waa midka kaliya ay dadka kugu soo raaci karaan marka hore ama aad subscriber badan ku heli kadhid. haduu magaacaga yahay mid yar, fudeed ah, aan la ilaabi karin, misna ah asal, macaamiil iyo daawadayaal badan waad heleesaa.

2)  Muuqaalo Soo bandhig

Waxaad kanaal-kaga kuhsubtaa muuqo tayadooda aad ay usareeyso misna aanan dheereyn (Tani waxay ay ku xeran tahay tayada qiimaha muuqaalka uu leeyahay). Sidoo kale, mar walbo soo bandhig muuqaalo cusub oo tayada badan. Waxaa muhiim ah in Kanaal-kaaga uu marwalbo wax yaalo csusub soo galinayo.

  • Dhib malahan hadii marka ugu horeeyso uu muuqaalkagu uusan aad ufiicneen, isku day marwalbo inaad muuqaalo soo galisid, maxaa yeelay, sheeyga aad marwalbo isku dayda waxaa kaaga kordhaya xerfad sare, sidaa aawgeed, waad ku guuleesaneesa.
  • Mar walbo muuqaaladada inaad hormariso isku day dhanka tayada. Isticmaal kaamiro aad tayadeeda usareeyso ama isticmaalo Software aad ku qurxin karto muuqaalkaga, Sidoo kale, qaabka aad uduubto muuqaaladada hormari. Waco saaxiibkaaga si uu kaaga caawiyo dhanka duubista. Muuqaalkaaga oo aad tayoobo waxey kaa caawineesaa inaad hesho daawadayaal aad utira badan.
  • Joogteey muuqaalada aa soo galineesid kanaalkaaga maxaa yeelay, muuqaaladaada oo bato waxey horseedeeso in daawadaayaashana ay bataan. Daawadayaasha waxay jecleyihiin qofka mar walbo waxyaalo tayo badan oo aay ka helaan ineey subscribe gareeyaan.
  • Waxaa aad muhiim u ah inaad isticmaasho erreyada muiimka/furaha ah (Keywords) kaaso ka turjumayaa muuqaalkaga. Sidoo kale, waa inaad muuqaalkaga usameesa qeexitaan (Description) yar oo aad uqurux. Arimahaan oo aad sameeso waxay kaa caawinayaan inaad hesho daawadayaal badal oo YouTube-ka marka ay wax ee daawadaan ka raadiyaan (YouTube search bar)

3) Sameeso daawadayaan

Daawadayashada oo bato waa qaabka ugu horeeyo oo aad lacag kaga sameen karto YouTube. Maxaa yeelay waxaad u baahantahay dad ku dhufto xayeesiinta aa soo dhiigto kanaalkaada. Hadaadan heesanin daawadayaal badan, wee adkaaneesa inaad ka sameeso YouTube lacag. Muuqaalo aad u taya wanaagsan soo dhig bartaada, dawadayaasha ayaga ayaaba iska imaanaya

  • Muuqaaladaada la wadaag dadka ku jira aaladaha bulshada, sida Facebook, Twitter iyo wixii la mid ah. Ogoow waxaad kaliya lacag ka sameeneesaa YouTube markii aay batanaa daawadayaashada.
  • Isku day inaad hadal la wadaagto daawadayaashada markii aay Comment ka bixiyaan Muuqaaladada. Mararka qaar, isku day inaad sameeso muuqaalo aad kaga jaawabeeso su’aalahadooda. Sidaas oo aad sameeso waxaad ka heleeso in daawadayaashada aalada kujiro ineey bataan.

4) Lacageey muuqaaladaada.

  • Go to www.youtube.com and click “My Channel” on the webpage.
  • Click the link called “Video Manager” on the top bar.
  • Click channel and Enable on monetization.

Si aad lacag uga hesho muuqaaladaada, waa inaad qeebta lacageyta YouTube-ka aad fasaxdaa. Tani waxa weyan, in aad YouTube aad u ogolaato inee Channel-kaaga xayeesiin dhexdiisa ku sameeystaan.

  • www.youtube.com aad oo ku dhufo “sawirkaaga”
  • kadib Creator studio –> Channel –> Monetization meesha ay ku qoran tahay ka eeg sawirkaaga hoostiisa kana muuqda dhex bartamaha shaashada.
  • Enable kudhufo.

5) Ugu yaraan hel 10,000 oo daawasho si aad lacag usameeyso.

6) Sameeso Google AdSense cinwaan 

Google AdSense waa Program xayeesiineed aay leedahay sherkada Google kaasoo u sahleeso dadka u sahleeso dadka website-yada leh ineey usameeso xayeesiin dhan sawir, qoraal, ama muuqaalo; markii lagu dhuftana ay ka helayaan lacag. Waxaad aada website-ka Google AdSense, misna iska register gareey. Waa inaad ahaata qof ka weyn 18 sano hadaa iska register gareenesid, ama aaad wadataa qof  masuul kaa ah.

  • Waxaa muhiim ah inaad leedahaay PayPal account ama Bank account. Sidoo kale waa inaad leedahay email iyo macluumaadka kale ay ku weedineeso AdSense website kooda. Si ay markii aad lacag shaqeesato ( Waxa kaliya aad lacag ku heleeso waa in lagu dhufto page kaaga ama muuqaalka waxa lagu dhex xayeesiyo, waxaana la dhahaa “Pay Per Click” ama “Pay Per View”) lagugu soo diro

7) Suuq geyn usameey muuqaaladaada

Kaliya maahin in muuqaaladaada ay u ekaadaan YouTube ka, waa inaad la wadagta baraha bulshada oo dhan si ay u bataan daawadaayashada oo aad ne ku heshid dad badan oo ku dhufto xayeesiimaahaga.

Hadii aad dooneeyso in laguu sameeyo xayeesiimo suuq geyn  (ONLINE MARKETING), Company-geena JamalDev ayaa wuxuu diyaar kuula yahay in uu kaa xaqab tiro baahadiidaada suuq geyn, Halkaan ku dhufo, oo nala soo xiriir.

 

Posted by : jamaldev

January 27, 2018

You may also like …

Open chat
1
Jamaldev
Hi, how can we help you today?