Ganacsigaaga ma ubaahan yahay website ?

website

80% macaamiisha rabta inee alaabo gataan waxay marka hore inertnet-ka raadiyaan alaaba ay gadan rabaan. Ganacsi walbo oo jira maanta waxaa laga filayaa inuu leeyahay bar lagala soo xeriiro, oo ah website. Sidaas darteed, macluumaadkaaga dhan meeshaas ayeey kala socon karaan. Waxaa hubaal ah in tartamayaashada dhanka ganacsi ay dhamaan wada leeyihiin website.

Sida ay aaminsan yihiin ganacsatada yar yar ee manta ayaa waxay tahay ineey website uu yeesho ganacsigooda uusan waxba ka faa’ideeynin, ama ganacsadaha naftirkiisa uusan computer isticmaalin, ama macaamiishooda aysan computer dhan aayba isticmaalin. Laakin, arintaan waa mid qaldan oo ubaahan kafeker.

Hoos waxaan idinkugu soo gudbineena qodobo muhiim ah oo ka hadlaya sababta ganacsigaada uu ugu baahan yahay inuu lahadaa awood xaga internet-ka ah (mareeg)

1) Ganacsigaada yar wuxuu helayaa kalsooni

Maanta, dadka inta ugu badan waxay isticmaalan internet-ka si ay uga raadiyaan alaabaad-ka ay rabaan inee gataan. Ganacsigaada wuxuu helayaa kalsooni hadii aad leedahay website. Hadii aadan lahey website, waxaa hubaal ah in macaamiil badan aad waayneesid, kuwaaso uqul qulaya dhanka kuwa ganacsiga tartan kugula jira. Hadii aad leedahay website ah mid iska yara duqooway, ama aanan laheyn qurux aad u sareeso, waa in dib lagugu qurxiyaa oo laga dhigaa heer sare si aay kugu kordhaan macaamishaa soo booqaneesa boggaaga.

2) Website wuxuu ku dhooraya qarash-kaaga

Tusaale, waaa rabtaa inaad xayeesiin lagugu sameeyo alaabtaada. Waxaa macquul ah in taleefishinada ay kaa qaataan lacag aad u badan mar walbo oo aay kuu sameeyaan xayeesin. Sidoo kale, joornaalada waa sidoo kale ayadana. Laakin, wesbite aad leedahay waxaad mar walbo kusoo bandhigi kartaa alaabahaaga ayadoo qarash aad aan kugu bixin, aanan ka aheyn midka sanad laha ah oo aad ku gadaneeso cinwaankaaga (Domain + Host). Sidoo kale, qarash-ka lagugu sameenayo website maanta ma ahin mid aad qaali u ah, dhoor boqol oo aad halmar bixiso, waxay kaaga wanaagsan tahay adigoo mar walbo lacago intaas ka badan oo aad bixiso.

3) Waxay kuuu fududeeneesa in macaamishaada ay kula socdaan si joogto ah

Kasoo qaad website-kaaga inuu yahay sidee booggaaga online-ka ah. Waxay kuu fududeeneysa inaad mar walbo macaamishaada lasocod siiso alaabaha cusub aad keento, abaal marino aad dhiibeyso, barnaamiyo dadka faa’ido leh oo aad qabaneeso ama shaqooyin aad dadka usoo bandhigeeso.

4) Waqti walba waa furan yahay

Macaamishaad mar walbo waxay rabaa wee kaa gadan karaan – habeen, maalin, 24/7365, xili walbo – taaso ka caawineeso in macaamiishaada ay noqdaan kuwa si fudud u helo misna ula socda macluumaadkaaga iyo alaabaha aad gadeeso. Maantadan lojoogo, dadka ina ugu badan waxay yihiin kuwa aad umashquulsan, marka tani waxay kuu noqoneeso jaanis aad u wanaagsan oo aad online wax ku gadi kartid.(Somali e Commerce)

5) Website wuxuu kuu fududeenayaa inaad alaab ka gado macaamiishaada aadka kaa fog

Hadii aad alaab gado ama aad tahay qof qabto hoolo u baahan xerfad dhanka qoralka ah, tusaale, qoraa boog. Website kaagu wuxuu jaanis ku siinayaa inaad hesho bar kale oo aad wax ku iibsato aanan aheyn bartaada aad fadhiisato. Ganacsiga la dhaho ganacsiga internetka (eCommerce) ayaa ah barta ugu wanaagsan ee lagu gado aaabtada ama lagu soo badhigo wax yaalaha aad dadka u qaban karto meel walba aay joogaan. Ha hilmaamin, baaburta iyo guryahaba maanta waxaa lagu gadaa online-ka.(Somali e Commerce )

6) Website-ka waa bar lagu soo bandhigi karo waxyaalah aad dadka uqab karto.

Ganacsi walbo oo aad wado, website waa meel heer sare ah oo lagu soo badhigi karo hooshaada. Adigoo ku darayaa sawiro tusinaya wax yaalaha aad qabata (Image gallery), ama oraahyo wanaagsan oo ay dadka hoosha u qabatay kaa bixiyeen (testimonials). Tani waxay cadeeyneesay inuu ganacsigaaga yahay mid la isku haleen karo oo aamin ah.

7) Website-ku wuxuu kuu dhoowrayaa waqti

Macluumaad aad kaga faalooto ganacsigaaga waa mid waqti badan qaadaneeso, ha ahaato taleefon ahaan ama weji-ka-weji. Waqti tira badan ayee u baahanatahay inuu macaamilka fahmo waxa aad qabatao. Sidaa darteed, macluumaadkaaga gabi ahaan, waxaad galineeysa website-kaada, sidaas darteed, macaamishu waxay kula soo xiriirayaan ayagoo ka war qaba ganacsigaaga.

Need a web designer or redesign project for your business ? Click here  to view  my portfolio of website designs, redesign, WordPress customisation and Contact me for a quote

Posted by : jamaldev

January 28, 2018

You may also like …

Open chat
1
Jamaldev
Hi, how can we help you today?