Sidee loo sameeya cinwaan YouTube ah ?

Cinwaan

Youtube waa aaladan ugu weyn aduunka dhanka Muuqaal isla wadaaga (Vedow sharing). Maalin walba YouTube waxaa laga daawadaa ku dhawaad 5 billion videow : source ” Fortunelords.com“, tiradaas neh waaxaa lawada rajeynayaa ineey kasii koredho bilaha soo socdo.

YouTube waxaa kusoo badhigi kartaa muuqaalo, dad-kuna ay la wadaagi karaan asxoobtaa, like la dhihii karaa, waxaad neh ka save gareesan kartaa muqaalo si aad u daawato xiligaa dooneysid.

Hadaba, hadii aad rabto inaad sameesato cinwaan kuu qaas ah oo aad soo dhigto muqaalo heer sare ah misna aad ku rajo weyn tahay inaad ka sameeso lacag, qoraalkaani waa kuu mihiim aqriste.

 

1) Booqo Bogga YouTube si aad isaga diiwaan gelisid

 

Intaadan cinwaankaga furanin, waa inaa lasocotaa dhoor sheey :

YouTube cinwaan oo aad sameesato, waxay kaloo lamid tahay adigoo Gmail cinwaan sameesanayo. Waxay u muuqaneesa sida tan [YouTube username]@gmail.com.

Sidoo kale cinwaan YouTube aad sameesaneeso waxay lalmid tahay adigoo Google+ cinwaan sameesanayo. Google+ waa bar bulsho sida Facebook. Hadii aadan rabin Google+, waad iska tiri kartaa, adigoo YouTube kaaga waxba kaa gaareenin. Wax walbo oo aad soo galesid YouTube, kama muuqaneeso Google+. Sida aan kor kusoo xusnay, labadodaba waa laba kala gooni ah. hadii aad muuqaal soo galisid YouTube, Kama muuqaneeso muuqaalkaas Google+, tusaale ahaan

 

 

2) Waxaa kudhufataa badhanka ay ku qorantahay “Sign in”  ee kaa qabanaya dhanka sare ee midigta ee page ka

 

3) Kudhufo meesha ay ku qoran tahay “Create an account” oo ka hooseesa form page ka laga buuxiyo 

  • Hadii aad leedahay cinwaan Gmail, waxaa qasab ah inaa leedahay cinwaan YouTube ah. Isticmaal magacaga cinwaankaga iyo numberka sirta saa ugashao YouTube kaaga.

 

 

4) Ku buuxi macluumaadka lagu weediyo ee muhiimka ah.

  • E-mail address-kaaga, magaca aa kusoo galeesid, Numberka sirta, Sanadkaa dhashatay  kadib neh  “I Accept” kudhufo.
  • Qeebta ugu hooseeso ee taleefan nambarka waa muhiim. Si loo hubiyo inaadan aheyn mashiin, ayuu google ku weedinayaa taleefan numbar. Gali nambarkaaga, waxayna ku soo dirayaan wax la dhaho “Verification code” oo 6 numbar ah. Numbaradaas gali kadib neh dir

 

5) Qurxi page-kaaga YouTube.
  • Page-kaaga waxaa ku dari kartaa sawir kaaga,  iyo sawir hooseed ama “background” iyo wax yaalo kaoo badan.

 

 

6) Yaaay. Kusoo dhawaaw YouTube

Mar hadaad YouTube account sameesatay, waxaa sameen kartaa :

  • Inaad muuqaalo YouTube ah sameeyso
  • Inaad subscribe dhehdid dadka YouTube ka aad ugu jeceshahay.
  • inaad si habsami leh oo keydsato waxyaalaha aad rabtid inaad dawatid markaad firaaqa leedahay.
  • Inaad Comment iyo is dhex gal bulsho aad ka sameeso YouTube.
  • Inaad Muuqaalo soo galisid si aad lacag uga sameeso iyo wixii lamid ah

Posted by : jamaldev

January 27, 2018

You may also like …

Open chat
1
Jamaldev
Hi, how can we help you today?